Maamulka Gobolka Banaadir oo burburiyay sharci daro lagu dhistay.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay howlgalo burburin ah sameeyeen waaxafado ku tirsan degmada waabari ee magaalada Muqdisho.
Dhismayeyaashan ayaa maamulka gobolka Banaadir waxay sheegeen in horay looga dhistay goobo danguud ah oo loogu tala galay in loogu adeego bulshadda Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay inay ka go’an tahay soo celinta Hantida dadweynaha iyo goobaha muhiimka ah ee loogu tala galay in loogu adeego bulshadda Soomaaliyeed.
Gudoomiye Yariisow ayaa dhanka kale sheegay in dadka goobahaas danta guud ah sida sharci darada ah u dhistay uu ka mid yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka fedraalka Soomaaliya.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay dhowr mar wuxuu u soo saaray digniino dadka loogu sheegayay inay isaga guuraan goobaha danta guud wuxuuna maamulka sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin hantida dadweynaha ay dad gaar ah ka macaashaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *