Safiirka Indonesia ee Soomaaliya oo waraaqihiisa gudbiyay.

Wasiiru dowlaha wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowlada Fedraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka dowlada Indonesia u qaabilsanaan doona dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Safiirka iyo wasiiru dowlaha wasaaarda arimaha dibada Soomaaliya ayaa kawada hadlay xiriirka laba dal, iskaashiga u dhexeeya iyo dadaal ku bixinta sidii loo dhowri lahaa, loona horumarin lahaa xiriirkaas oo dhinacyo badan leh.
Masuuliyiintaa ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Indonesia uu ka dhexeeyo xiriir ganacsi oo aad u qoto dheer kaasoo bilowday qarnigii tobanaad ee miilaadiya, sidoo kalena saldhig u ahaa iskaashi iyo ganacsi is dhaafsi ay labada wadan mudo dheer ka hor soo wadaagi jireen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *