Suudaan oo ay weli dibadbaxyo ka socdaan

Waxaa weli wadanka Suudaan ka socdo dibadbaxyada ay ka qeyb qaadanayaan boqolaalka qof ee dalkaasi u dhashay.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa mar kale dibadbaxyo ka dhigay magaalada Omudurman.
Tallaabadan ayay qaadeen kadib markii qof dibadbaxayay uu u geeriyooday dhaawac dhawaan soo gaaray.
Dibadbaxyada Suudaan ayaa ku saleysan sara u kaca ku yimid qiimaha shidaalka , cunnada sida rootiga iyo dawooyinka oo yaraaday.
Dadka mudaaharaadyada dhigaya ayaa ku baaqaya inuu iscasilo madaxweyne Cumar Xassan Al- Bashiir oo talada hayay tan iyo sannadkii 1989-dii.
Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada ka socda Suudaan in kastoo mucaaradka iyo hay’adaha u ololeeya bani’aadanimada ay tiradaasi ku sheegeen ku dhawaad 40 qof.
Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir ayaa dhankiisa sheegay inuunan xilka ka degaynin balse uu xallinayo dhibaatooyinka jira oo uu la imaanaya isbeddelo dhaqaale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *