In ka badan 300,000 oo arday ah oo aanan ka faaiideysan doonin lacagaha dowladda ay siiso dugsiyada sare

Xoghayaha wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in arday ay tiradoodu gaareyso 300, 000 oo sannadkii hore u fariistay imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da aynan ka faaiideysan doonin dhaqaale ay dowladdu bixisay.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dowladda ay soo saartay 36 bilyan oo shilin oo loogu talagalay in lagu maareeyo howlaha tacliinta dugsiyada hoose dhexe, dugsiyada sare iyo xarumaha kale ee dowliga ah ee waxbarasho.
Dr. Kipsang ayaa intaasi ku daray in 30 bilyan oo lacagtan ka mid ah loo qoondeyay waxbarashada dugsiyada hoose dhexe.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo horay mas’uuliyiinta ururka macalimiinta ee KUPPET ay walaac ka muujiyeen tirada ardayda ku biiray dugsiyada sare oo ah mid sarreysa halka ay jiraan caqabado dhanka kaabayaasha ah oo u baahan in la xalliyo.
Sido kale wasiiradda wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad ayaa hoosta ka xariiqday in boqolkiba 83 ee ardaydii sanadkii hore dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay ku biireen dugsiyada sare halka in ka badan 300 oo kun aynan fursaddaasi helin.
Waxay intaasi ku dartay in dowladda ay ku dadaaleyso in geedisocodkan uu noqdo boqolkiiba boqol.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *