Sacuudiga oo dib u helay 106 bilyan oo doolar kadib howlgalo ka dhan ahaa musuqmaasuqa

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo warramayaa inay soo gabagabeysay howlgaladii ay wadday ee ka dhanka ahaa musuqmaasuqa kaddib markii la soo celiyay 106 bilyan oo doolar oo ah hanti horay loo lunsaday.
Waxaa amarka howlgalada bixiyay dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamad Bin Salmaan.
Maxkamadda xukuumada Riyaadh ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maamulada baaritaanada sameynayay ay u yeereen 381 qof oo qaarkood ay marqaati ahayeen .
In kastoo qoraalka lagu xusay in ololahan uu soo billowday bishii Novembar ee sannadkii 2017-kii hadana wax magacyo ah lama shaacin.
Sido kale waxaa bayaanka qeyb ah in 87 qof ay qirteen dacwadihii lagu soo oogay ee la xariira musuqmaasuqa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *