Wasaarada caafimaadka ee dalka oo sheegtay in looska Nuzeet uu halis ku yahay aadanaha

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka ayaa dadka uga digtay in ay isticmaalaan looska shiidan ee loo yaqaano Nuzeet ayaa dib u soo ceshatay ‘Nuteez’ kaasi oo baaritaano kadib lagu arkay waxyaabo aanan u fiicneyn aadanaha.
Warqad ku qoran taariikhda 29,bishan Janaayo sanadkan 2019 ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Arrimaha caafimaadka ay ka soo baxday ku sheegeen in looska Nuteez’ uu ka badan yahay xadkii loogu talagalay sido kalena ay ku jirto maado sun ah oo loo yaqaano aflatoxins.
Agaasimaha Caafimaadka Bulshada Kepha M. Ombacho ayaa maanta Khamiistii ka codsaday dhammaan Saraakiisha Caafimaadka Bulshada inay hubiyaan looska Nuteez.
Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in sheybaarada la geyn doono looskaasi la sheegay inuu halis ku yahay aadanaha lagana bixin doona suuqa.
Hasa ahate danka kale shirkada Jetlak foods oo soo saarta looska nuzeet ayaa sheegtay in ay wasaarada gudaha ka helin wax aqbaar ah oo kusabsan looska Nuzeet uu halis ku yahay aadanaha

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *