6 Sarkaal ka Tirsan NTSA oo Maanta Maxkamada la soo Taagay

Waxaa maanta  maxkamadda la soo taagay   6 sarkaal oo ka tirsan maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka  ee (NTSA) oo lagu eedeeyay inay ku lug lahayeen weerarkii  ka dhacay dhismaha Dusit ee Nairobi

Maxkamada ayaa ciidamada booliska ku amartay in ay sarkaaladaasi ka tirsan NTSA ay muddo hal bil ah ku si hayaan xabsiga si loogu sameeyo baaritaano dheeraad ah.

Dhanka kale maxkamad ku  taallo  ismaamulka   Nyeri  ee gobolka  bartamaha   dalka  ayaa maanta  siidaysay  saddex  eedeysanayaal ah  oo loo haystay weerarkii lagu qaaday dhismaha   dusitD2.

Maxkamadda ayaa sheegtay in  dadkaasi ay xuriyadooda dib u heleen maadaama baaritaano  ay sameyeen   ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka   argagixisada  ee ATPU kaddib  aanan wax dembi ah lagu helin.

Isniintii ayay ahayd markii ciidamada loo qabtay muddo 5 maalmood  oo ay  baaritaanada ku soo gabagabeynayaan.

Magacyada eedeysanayaasha la siidaayay ayaa kala ah  Mr Cabdul Kibiringi, Mr James Mwai Mwangi  iyo  Ms Habiba Geedi

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *