Gudoomiyaha Nairobi Mike Sonko oo lagu Martiqaaday Shir Looga hadli Doono Cuntada, Nafaqada iyo Isbeddelka Cimilada

Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa shirka cunada,nafaqada iyo cimilada ku marti qaaday barasaabka ismamaul goboleedka Nairobi Mike Sonko.

Shirkani oo diirada lagu saari doono isbadalka cidmilada,cunada iyo nafaqada waxaa la qaban doona 19-ka bishan Febraayo ee sanadkan waxaa uuna ka dhici doona Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada  New York.

Mike Sonko gudoomiyaha Nairobi ayaa la wadaagi doona ka soo qeyb galayaasha shirkaasi shaqada ay heyso hay’adda cunada iyo beeraha  (FAO)

Mas’uuliyiinta kale ee kulankaasi ka soo qeyb gali doona ayaa waxay ka wada-hadli doonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha cunada ee dalalka caalamka.

Kulankan ayaa waxaa isugu imaan doona mas’uuliyiinta magaalooyiinka dunida oo dhan si loo falanqeeyo xaaladaha cimilada iyo cunada dunida oo dhan

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *