
Madaxa cadaalada ee dalka David maraga ayaa maanta shaaciyay in muddo 3 bilood ama shan bilood ah lagu soo gabagabayn doono kiisaska ka dhanka ah musuqmaasuqa ee maxkmadaha kala duwan ee dalka yala.
Hadalkan ayuu jeediyay Mr Maraga xili uu kulan la yeeshay garsoorayaasha ugu sareeya ee dalka .
Kiisaka qaar ee musuqmaasuqa ah ayaa la soo gabagabeyni karaa mudo 3 biloo ah halka kuwa qaarna la soo gabagabeyn karo mudo 5 bilood ah sida uu sheegay madaxa cadaalada ee dalka.
Horay ayay ahayd markii David Maraga uu dacwadaha masuqmaasuqa u xilsaaray garsoorayaal dhagaystaa si haraka loo soo gabagabeeyo kiisaska musqumaasuqa.
bilihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah ee dalka ayaa laga soo tabiyay inay ka jiraan musuqmaasuqyo .