Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Qarax Ismiidaamin ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.
Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa la rabay in la soo galiyo gudaha Magaalada Baardheere, balse Saraakiisha ammaanka Baardheere ayaa sheegay inay heleen xogta ku saabsan gaarigaasi, kadibna ay uga hortageen duleedka Magaalada Baardheere oo halkaasi uu ku qarxay.
Saraakiisha ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo kala duwan Ciidamada Jubbaland inay ka soo gaareen qaraxaasi, sidoo kalena goobta uu ku dhintay ruuxii kaxeynaayay gaariga waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan
Balse kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi ay ku weerareen Xero Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Baardheere, halkaasina khasaare uu ka dhashay.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *