DHAGEYSO:Muslimiinta oo laga codsaday inay ka qeyb qaataan dayactirka dugsi ku yaallo Bangal

Waxay cabasho ka soo yeereysaa maamulka iyo ardayda dhigata dugsi horay madarasho u ahaa oo ku yaallo Bangal oo ka tirsan ismaamulka Tana River.
Waxaa wax ka barta ilaa iyo 70 haween ah oo codsanaya in laga caawiyo dayactirkeeda iyo sidii ay ku heli lahayeen macalimiin dheeraad ah.
Sheekh Xamdi Mubarak Muuse waa macalinka dhiga dugsigan waxaa uuna faahfaahin ka bixinaya taarikhdii uu soo maray, baahiyaha jira iyo cawimaadda ay u baahanyihiin waxaa uuna uga waramay Jamal Axmad Cabdiraxman
Qaar ka mid ah haweenka xaruntaasi wax ku barto ayaa sido kale codsi u diray bulshada muslimiinta ah ee idaacadda ku xiran
Axmad Mursal oo ka mid ah waxgaradka Bangal ayaa isnaa faahfaahinaya baahida waxbarasho ee magaaladaasi ka jirta

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *