
Warbaahinta maxaliga ee dalka iiraan ayaa ku warrameysa in xukuumadda Tehran ay soo bandhigtay gantaal casri ah oo ay riddadiisu gareyso 1,300 kilo mitir
Shalay ayaa wadankaasi looga dabaaldegayay sannadguuradii ka soo wareegatay Kacaankii dhacay 1979-kii oo ay ka soo wareegtay 40 sano.
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay sara u sii qaadeyso barnaamijkeeda ku aaddan hubka iyo gantaallada riddada dheer.
Waxay tani fal celin u tahay cadadiska kaga yimaada dhanka Maraykanka iyo Waddamada reer galbeedka .