Maraykanka oo sheegay inuu dilay 13 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in sannadkan gudihiisa duqeymo uu ka fuliyay gudaha wadanka soomaaliya uu uga takhalusay 13 ka mid ah xubnaha xarakada Al-shabaab.
Weerarada dhanka cirka ah ayaa geystay shabeelaha hoose.
Duqeyntan ayaa noqonaysa midii 10-aad ee Maraykanka uu ku beegsado Shabaab oo ilaa iyo hadda lagu dilay 99 dagaalyahaano ah.
Agaasimaha howlaha AFRICOM jeneraal Gregg Olson, ayaa sheegay inay ciidamadu cadaadis xooggan saarayaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Waxaa bayaanka qeyb ka ah inaynan jirin dad shacab ah oo lagu dilay ama ku dhaawacmay duqeymaha.
Sannadkii hore, Maraykanka ayaa 48 duqeymo dhanka cirka ah oo uu ka fuliyay gudaha soomaaliya ku dilay in ka badan 300 oo maleeshiya ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *