Madaxweynaha Turkiga oo Maraykanka ku eedeyay inuuna mowqif adag ka qaadan Sacuudiga kaddib dilkii Khashoggi

Hoggaamiyaha wadanka Turkiga ,Recep Tayyip Erdogan ayaa dowladda Maraykanka ku dhaliilay inaynan go’aan adag ka qaadan boqortooyada Sacuudi Carabiya oo lagu eedeyay dilkii wariye Jamal Khashoggi.
Mr. Khashoggi oo u dhashay Sacuudiga ayaa labadii bishii Tobnaad ee sannadkii hore lagu dhex dilay qunsuliyadda xukuumada Riyaadh ay ku leedahay magaalada Istanbul ee Turkiga.
Mr. Erdogan ayaa mar kale dalbaday inay jawaab ka bixiso dilka suxufigii si weyn u dhaliili jiray hoggaankeeda.
Sido kale waxaa uu sheegay inuunan fahmi karin aamusnaanta Maraykanka iyadoo sida uu hadalka u dhigay uu dhacay dil laga xumaado.
Erdogan oo u waramayay telefishinka dowladda Turkiga ee TRT ayaa sheegay inay doonayaan in arrin kasta la cadeeyo maadaama uu madmadoow jiro.
Dilkii Khashoggi ayuu ku tilmaamay mid aanan caadi ahayn oo ay soo qorsheyeen 22 qof .
Waxaa uu intaasi ku daray in 15 ka mid ah dadkaasi ay laba diyaaradood ku yimadeen magaalada Istanbul kaddibna qunsuliyadda tageen maalinkii uu dilka dhacayay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *