Maraykanka oo digniin ka soo saaray weeraro ka dhici kara dalka

Mareykanka ayaa digniin cusub u dirtay dadka Reer Galbeedka ah ee ku sugan wadanka Kenya, iyadoo sheegtay inay heyso xog ku saabsan in weerarao argagixiso ay ku soo fool leeyihiin.
Qoraal ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in meelaha la bartilmaameedsanayo ay yihiin Suuqyada,Kaniisadaha iyo Meelaha kale ee la isugu imaado, kuwaasoo ku yaala Nairobi, Naivasha, Nanyuki iyo Gobollada Xeebta ah.
Waxa ay ka dalbadeen dadka Ajaanibta ah, gaar ahaan kuwa u dhashay Mareykanka inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan oo ay iska diiwaan geliyaan qeybta qaabilsan adeegyada dadka safarka ah ee safaarada oo laga heli karo Internetka.
Mareykanka ayaa dadka u dhashay uga digay iney la socdaan xaaladooda waxaa uuna muwaadiniitiisu ugu abaqay in si deg deg ah isaga diiwaangeliyaan Qunsuliyadaha Mareykanka ee dalkani Kenya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *