Qaramada midoobay oo ku baaqday in la taageero heshiiska dowladda CAR ay la gashay fallaagada

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa soo jeedisay in la taageero heshiiska ay dhawaan gaareen dowladda afrikada dhexe iyo fallaagada ka soo horjeedda.
10 maalmood ayay labada dhinac wada hadalo u socdeen.
Waxaa ugu dambeyn sabtidii heshiis nabadeed saxiixday dowladda CAR iyo 14 ka mid ah kooxaha hubeysan.
Jean-Pierre Lacroix oo xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan howlaha nabadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii heshiiska la gaaray uu si buuxda ugu dhaqangeli lahaa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *