Spain oo aqoonsatay madaxtinimada hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela

Dowladda Spain ayaa hoggaamiyaha mucaaradka wadanka Venezuela Juan Guaido u aqoonsatay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ee dalkaasi .
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo hoggaamiyaha talada haya Nicolas Maduro uu gaashaanka u daruuray muddo kama dambeys oo ahayd 8 maalmood oo ay u qabtay beesha caalamka si uu u shaaciyo doorasho.
Tallaabada Guaidop loogu aqoonsaday hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Venezuela ayaa waxaa warfidiyeenka maanta oo isniin ah u sheegay ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez.
Waxaa uu dhanka kale siyaasigan ugu baaqay in sifa ugu dhaqsiyaha badan uu u qabto doorasho madaxweyne.
Mudadii loo qabtay Nicolas Maduro ayaa ku ekeyd shalay oo axad ahayd.
Madaxweyne Maduro ayaa dhankiisa ka digay dagaal sokeeye waxaauuna wadamada ay ka midka yihiin Maraykanka iyo Ingiriiska ku eedeyay inay qorsheynayaan afgembi maamulkiisa ka dhan ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *