Abaanduulihii cusbaa ee Guutada 12-ka April iyo askar kale oo lagu dilay Qarax miino

Wararka ka imanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay Abaanduulaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Col. C/salaan Aadan Kurjow.
Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aado ayaa qabsaday gaari Ciidan uu uu saarnaa Abaanduulka, isagoo xiligaasi ka sii baxayay lagula eegtay agagaarka deegaanka Dhanaane ee koofurta Muqdisho, gaar ahaan dhanka wadada Xeebta.
Sidoo kale taliyaha waxaa la geeriyooday Sarkaal kale oo lagu magacaabo Col. C/raxmaan Jimcaale Muuse oo ahaa Madaxa Maaliyadda ee Guutada 1aad Ciidanka xoogga dalka, kaasoola saarnaa gaariga, waxaana meydkooda la keenay Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan.
Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa xaqiijiyay geerida labada Sarkaal, wuxuuna sheegay iney wadaan howlgalo lagu baariyo sida weerarka uu u dhacay, Isagoo ku eedeeyay Shabaab mas’uuliyada weerarka.
6-dii bishii 12-aad sanadii hore ee 2018 ayay eheyd markii Shabaab ay isla deegaankan Dhanaane ay qarax ku dileen Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo Abaanduulaha qeybta 12-ka Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa 7 askari oo kale.
Abaanduul Jen. Cabdi Cali Jamaame geeridiisa kadib, waxaa xilkiisa loo magacaabay Col C/salaan Aadan Kurjow, kaasoo ay Shabaab isagana dileen maanta, iyadoo dilkii hore ay ka soo wareegatay mudo laba bilood ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *