DHAGEYSO:Saameyn ka dhalatay shaqo joojinta kalkaaliyaasha dalka

Kadib markii ay shalay qalabka shaqada iska dhigeen kalkaaliyaasha isbitaalada dalka ayaa durbadibo waxaa qeybo ka mid dalka laga dareemay saameyn ka dhalatay shaqo joojinta kalkaaliyaasha.
Dhowr isbitaalo oo ku yaala ismaamulka Wajeer ayaa soo shaqo tagin kalkaaliyaashi ka hawlgalayay sida uu warkani inoogu faahfaahinayo wariyaheen Waheer Abdiraxmaan Mucaawiye
Dhinaca kale Kalkaaliyayaasha ka howlgalo isbitaalada dowladda ee ismaamulka Nairobi ayaa maanta sameeyay dibadbax ay ku doonayaan in la dhageysto kadibna la xalliyo arrimo dhowr ah oo ay tabanayaan.
Waxay ka mid yihiin howlwadeenada caafimaad ee 10 maamul goboleed oo tan iyo shalay aanan tagin xarumihii ay ka shaqeynayeen.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee kalkaaliyayaasha dalka ee KNUN, Mr. Seth Panyako ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay inay shaqa joojin sameynayaan taasi oo shalay si rasmi ah uga dhaqangashay qeybo ka mid ah dalka.
Saraakiisha caafimaad ee Nairobi ayaa maanta isugu tagay afaafka hore ee xarunta looga arrimiyo maamul goboleedka ee ku taallo bartamaha caasimadda si ay cabashadood ugu bandhigaan maamulka waxaana hadaladooda ka mid ahaa.
Kalkaaliyayaasha shaqa joojinta ku guda jiro ayaa doonaya in la dhaqangeliyo heshiis ku aadanaa lacagaha gunnooyinka kaaso la saxiixay sanandkii tagay.
Waxay sido kale doonayaan in si buuxda loo dhaqangeliyo heshiis mushaar kordhin iyo arrimo kale ku qotoma oo la wada gaaray sannadkii 2017-kii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *