Guddiga loo xilsaaray mideynta Kenyaanka oo maanta gaaray Mandhera

Waxaa maanta ismaamulka Mandhera gaar ahaan maqaayadda Granada kulan ku yeeshay xubnaha guddiga loo xilsaaray mideynta kenyaanka ee loo yaqaano BBI iyo shacabka halkaasi ku nool.
Wafdiga Mandhera tagay ayaa waxaa hoggaaminayay senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji .
Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Mandhera, guddiga nabadda , senetarka iyo barasaab ku xigeenka Mandhera.
Shirkan ay ka soo qeyb galayaan dadweyanha Mandhera ayaa looga hadlaya sagaal caqabadood oo ku aaddan Dowlad wadaajinta, In cid waliba ay dowladda ka dhex muuqato ,Doorashooyinka lagu kala qeybsamo ,Musuqmaasuqa ,Qabyaaladda ,Badqabka iyo ammaanka,
Ismamaulka Wajeer waxa lagu qaban doona 6-da bishan Febraayo oo berri ah gaar ahaan Wajir Place laga bilaabo 8-da subaxnimo.
Kulankan oo kale ayaa 7-da bishan oo khamiista ah ka dhacaya hotelka Almond ee Garissa laga bilaabo 8-da subaxnimo.
Ajeendayaasha shirarkan ayaa ah in la qaabto aragtida dadweynaha ee ku aaddan sagaalka caqabadood aan aan soo sheegnay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *