Iiran oo u hanjabtay Israel.

Xukumadda Iran ayaa ku hanjabtay in Israel ay jawaab adag oo ku haboon ay siin doonto hadii aysan joojinin weerarada cirka ay ku bartilmaamdsanayaan wadanka Suriya.
Tehran ayaa taagero weyn u heysa madaxweyne Bashar al-Assad iyo ciidamadiisa oo ku dhowaad siddeed sano ah oo ay dagaal kula jiraan dagaalyahannada ISIL.
Israel ayaa halista ammaanka waxaa ay u aragta in ay tahay Iiran taasi oo keentay in weeraro isdabajoog ah ay ku bartilmaamesadaan isbahaysiga Iran uu hogaamiyo oo ku sugan wadanka Suuriya.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Suuriya , Walid al-Moalem, ayaa sheegay in weerarrada Israel ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ku leeyihiin Syria, aysan ahayn “wax aan la aqbali karin”.
Dhinaca kale Ruushka ayaa ku dhaleeceeyay Israel in ay ‘xadgudubyo ba’an’ ku heyso dalka Suuriya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *