Donald Trump oo midnimo ku baaqay

Madaxweynaha wadanka Maraykanka Donald Trump ayaa khudbad qaran oo uu jeediyay kongareeska dalkaasi waxaa uu ku baaqay inay midnimo iyo iskaashi muujiyaan siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyada kala duwan.
Fariintan ayaa loo arkay mid uu ku soo dhaweysanaya siyaasiyiinta xisbiga dimuqaradiga ee ka soo horjeestay qorshaha uu ku doonayo inuu ku dhiso gidaar kala qeybiya Maraykanka iyo Mexico oo daris ah.
Sido kale waxaa ay khudabadda qaran ku soo aadeysa iyadoo weli uunan ka dhabeyn hanjabadii ahayd inuu ku dhawaaqayo xaalad degdeg ah.
Waxaa uu sido kale shaaciyay in isaga iyo dhigiisa kuuriyada waqooyi Kim Jong-un ay markii labaad 27-ka ilaa iyo 28-ka bishan isku arki doono dalka Vietnam.
Hasa ahaate waxaanan weli caddeyn magaalada uu shirkaasi ka dhici doono.
Horay ayay madaxdan ugu kulmeen dalka Singapore waxayna halkaasi ku wada saxiixdeen heshiisyo dhowr ah oo uu ka mid yahay maareynta adeegsiga hubka nukliyeerka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *