Madaxweynaha dalka Uhuru kenyaatta oo la kulmay hogaamiyaha Congo DRC

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta waxa uu wadahadal kula yeeshay aqalka madaxtooyada dalka madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Felix Kaisekedi .
Madaxweynaha dalka iyo Dhigiisa Congo ayaa intii ay ku guda jireen wada hadalka waxaa ay diirada ku saareen xoojinta xiriirka labada dal.
Hogaamiyaha ugu sareeya ee dalka Mr Uhuru Kenyaatta ayaa u sheegay hogaamiyaha Congo in ay ka go’antahay inuu caawiyo wadanka Congo oo ku jirtay xasilooni siyaasadeed.
Sido kale madaxweyne Kenyaatta ayaa ka dhawaajiyay in Kenya ay casharo badan ka baratay xasaradii siyaasadeed ee uu dalku soo maray.
DHANKA KALE Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladda Kenya ay garab taagantahay suudaan oo bilooyinkii ugu dambeeyay ay dibadbaxyo saameyeen.
Mr.Kenyatta ayaa arrinkan shaaca ka qaaday xilli uu madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House uu ku qaabila madaxweyne ku xigeenka siidaan Cisman Maxamad.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inuu u riyaaqay qaabka maamulka madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir uu ula tacaalay dibadbaxyada iyo ballanqaadyada uu sameeyay ee ah inuu sameynayo isbedello dhaqaale.
Mr. Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in labada dal uu ka dhaxeeyo xariir saaxiibtinimo oo soo jireen ah sidaasi awgeedna Kenya ay ka go’antahay inay kaalin weyn ka qaadato wax ka qabashada arrimaha caqabadda ku noqon karo xasiloonida iyo horumarka guud ee Suudaan.
Madaxweynaha Suudaan ayaa wajahaya cadaadis ah inuu ka dego xilka madaxtinimo ee uu la wareegay sannadkii 1989-kii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *