Dad ku hanti beelay suuqa Gikomba oo uu dab ka kacay

Malaayiin hanti ah oo aan lagaraneyn inta ay tahay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku burburtay suuqa Gikomba oo uu xalay dab xoogan qabsaday .
Kooxaha gurmadka deg dega ah oo gaaray suuqaasi ayaa markiba damiyay dabka ka kacay Gikomba inta uusan goobihi kale ee suuqa gaarin.
Ma ahan markii ugu horaysay oo uu suuqa lagu iibiyo dharka hudheyda ah ee Gikomba uu ka kaco dab .
Dabkan ka kacay suuqa Gikomba ayaa imaanayaa 24 saac kadib markii uu dab xoogan ka kacay xaafad ku taala Sodomo ee Nairobi kuwaas oo ku hanti beelay .
Laamaha ammaanka ee dalka ayaa sheegay in bilaabeen baaritaano ka dhan ah dhacdooyiinkaasi la soo tabiyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *