
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka dad kalena wali waxa laga baadigoobayo burbur hoostiisa kadib markii uu dumay dabaq ka koobnaa sideed ee magaalada Istanbul wadanka Turkiga.
Kooxaha gurmadaka deg dega ah ayaa wali raadinayaa dad ku hoos jira dabaqa soo dumay.
Dad badan ayaa laga soo badbaadiyay dhismaha hoostiisa waxaana ku jiraa dadkaais la soo badbaadiyay canug yar oo shan sono dhalana.
Dabaqaasi dumay ayaa waxaa ku noola dad gaarayaa 30 qof.
Dhacdan ayaa waxaa laga baahiyay telefishanka sida gaarka ah loo leeyahay NTV ee dalka Turkiga.
ma cadda sababtii uu dhismahaasi u soo dumay balse laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaano lagu ogaanayo