Gudoomiyaha ismaamulka Homabay oo maanta xilkiisa go’aan laga gaari doono

Barasaabka ismaamulka Homabay Cyprian Awiti ayaa maanta ay maxkamada go’aan kama dambeys ah ka gaari doonta hadii uu xilkiisa 5 sano ah sii wadan doono iyo in kale kadib markii dacwad ku aadan doorashdii guud ee dalka ka dhacday sanadkii 2017-kii laga gudbiyay.
Kiiskan ayaa waxaa waxaa maxkamada u gudbiyay siyaasi lagu magacaabo Oyugi Magwanga oo ka soo horjeeda in gudoomiyaha Homabay uu doorashadii ku soo baxay si xalaal ah.
Maxkamada sare ee dalka iyo mida racfaanka ismamaulkla Kisumu ayaa horay u sheegay in doorashdii uu ku guulaystay gudoomiyaha Homabay Cyprian Awiti ay ahayd mid ay hareeysay falal xatooyo ah.
Mr Awiti ayaa go’aanka ka soo baxay maxkamada ku tilmaamay mid uusan aqbali karin.
Si kastaba ahaate barasaabka Homabay ayaa maanta lagu wada in go’aan aan ka soo laabasho lahyn ay ka gaarto maxkamada supreme court oo uu geeyay kiiskiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *