Imaaraatka oo lagu eedeeyay inuu hub siiyo Maleeshiyaadka Yeman

Imaaraatka Carabta ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama gudaha wadanka Yemen.
Ha’yadda Amnesty International ayaa sheegtay in Maraykanka uu hubkan markii hore siiyay Imaaraatka Carabta.
Imaaraatka Carabta ayaa ka qeyb ah xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta ee ku sugan dalka Yemen.
Imaaraatka wali kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay hase ahaate waxaa uu beeniyay inuu jebiyay xeerka hubka uu kasoo dhoofsado Mareykanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *