Kulan u dhexeya xubnaha guddiga mideynta kenyaanka iyo shacabka oo ka socda maqaayada Almond ee Garissa

Waxaa huteelka Almond ee magaalada Garissa ka socda hadda kulan u dhexeya xubnaha guddiga loo xilsaaray mideynta kenyaanka ee loo yaqaano BBI iyo shacabka halkaasi ku nool.
Wafdiga gudiga Mideynta kenyaanka ayaa waxaa hoggaaminaya senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji .
Kulankan oo diirada lagu saarayo midnimada iyo isdhaxgalka bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa lagu qabtay ismaamulada Wajeer,iyo Mandera.
Shirkan ayaa looga hadlayaa sagaal caqabadood oo ku aaddan Dowlad wadaajinta, In cid waliba ay dowladda ka dhex muuqato ,Doorashooyinka lagu kala qeybsamo ,Musuqmaasuqa ,Qabyaaladda iyo ammaanka,
Ajeendayaasha shirarkan ayaa ah in la qaabto aragtida dadweynaha ee ku aaddan sagaalka caqabadood .
(Kulankaas wixi faah faahin ah ee ka soo baxa kala socda wararkayaga xiga InshaAllah.)

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *