Madaxweyanaha wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay in toddobaadka dambe dhammaan deegaanada ururka Daacish ay heystaan ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya laga xoreyn doono.
Saraakiisha militariga iyo sirddoonka Mareykanka waxay sheegeen in ururka ISIL ay soo xoogeysan doonaan waa haddii meesha ay ka baxaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Bishii Disembar Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay in ciidamadiisa ka joogo dalka Suuriya uu kala soo baxayo halkaas.
Qaar kamid ah xulufada Mareykanka ayaa dhaleeceyay go’aankaasi oo ay ka digeen in ururka ISIL uu dib usoo labo kacleen doono.