Wakiilka hawenka ee ismamaulka laikipia oo soo jeedisay in la sameeyo sanduuq lacag ah oo wax looga qabto cudurka kansarka

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Laikipia Catherine Waruguru ayaa hadda doonayasa in bukaanada qaba cudurka qaba kansarka ay helaan daaweyn lacag la’aan ah.
Xildhibaannada baarlamaanka dalka , ayey u soo jeedisy in la aas-aaso sanduuqa kansarka oo lacagtooda ka soo gala lacag bixinta canshuurta, deeqaha iyo deeqda loogu talagalay daaweynta bukaannada kansarka.
Si loo helo daaweyn bilaash ah ee kansarka oo ay soo jeedisay wakiilka haweenka ee Laikipia waa inuu codsadaa guddiga caafimaadka , guddiguna waa inay tixgeliyaan duruufaha shakhsi ahaaneed oo ay ku jiraan xaaladooda shakhsi ahaaneed iyo mid dhaqaale.
Baaqani mrs Waruguru ayaa imaanaysa kadib markii 4-tii bishan guud ahaan caalamka laga xusay maalinta kansarka aduunka.
Xukumadda dalka ayaa diirada saarta sida ay bukaanada qaba cudurka Kansarka ay u heli lahaayen daaweyn bilaasha oo wax looga qabta cudurkaasi halista ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *