Wasiirada Puntland oo lagu wado in dhawaan lagu dhawaaqo.

Wararka ka imaanaya Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna caasimada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in halkaasi aad looga dareemayo ololaha loogu jiro soo Magacaabista Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aad ugu mashquulsan soo xulista Golihiisa Wasiirada,waxaana Xafiiskiisa ka jiray mashquul badan in kastoo kal hore uu mamnuucay in lasoo booqdo amaba uu qaabilo shaqsiyaadka doonaya inay la kulmaan.
Dad fara badan ayaa u xusul duubaya inay ka mid noqdaan Golaha cusub ee Wasiirada Puntland waxaana jira siyaasiyiin dhalinyaro u badan oo aad loogu amaanayo Baraha ay Bulshada ku wada xiriirdho ,kuwaasoo doonaya inay ka mid noqdaan Wasiirada uu soo magacaabayo madaxweyne Deni.
Amniga Magalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland ayaa aad loo adkeeyay,waxaana dad badan ay wada sugayaan Golaha Wasiirada ee uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqi doono.
Bartamihii bishoo hore ayay ahayd markii madaxeynah Puntland ee baarlamaanka maamulkiisa ka codsaday inay waqti uu xukuumadiisa ku soo dhisayo u kordhiyaan ayadoo mudo todobaadyo ah loogu daray.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *