36 ka mid ah carruurta derbi jiifka oo laga soo celiyay Baringo

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Baringo ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay dib u soo celiyeen 36 carruur oo derbi jiif ah oo laga kaxeeyay Nakuru.
Caruurtan ayaa lagu arkay tuulada Tinet ee degaanka Eldama Ravine waxaana ciidamada soo waday ee ku soo celiyay Nakuru hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka degaanka Koibatek.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Eldama Ravine, David Aenga ayaa sheegay in 12 ka mid ah carruurtaasi ay da’dooda ka hooseyso 18 sano.
Qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa dowladda ismaamulka Nakuru ku eedeyay in ay carruurtaasi musaafurisay.
Guddoomiyihii hore ee ololaha qaran ee la dagaalanka isticmaalka daroogada ee NACADA Mr. John Mututho ayaa faahfaahinaya carruurta la soo helay iyo sida loo caawiyay

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *