Aqalka sare ee Spain oo ansaxiyay mooshin lagu taageerayo hantida Venezuela

Xubnaha aqalka sare ee wadanka Spain ayaa meel mariyay mooshin dowladda looga doonayo inay ilaaliso hantida laga leeyahay Venezuela.
Warbaahinta Spain ayaa ku warrameysa in maamulka talada wadankaasi hayo ay mas’uuliyad ka saarantahay inaan lagu takriifalin lacagaha lagu keydsaday bangiyada Venezuela ee xarumaha ku leh gudaha dalkaasi.
Sido kale waxaa uu mooshinkan dhigaya in madaxweynaha cusub ee Venezuela Juan Guaido iyo wakiiladiisa loo fududeeyo sidii lacagtaasi ay ku heli lahayeen.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Spain ay ku biirtay wadamada kale ee Maraykanka, ingiriiska , Canada iyo Jarmalka oo dhammaantood Mr. Juan u aqoonsaday madaxweynaha Venezuela.
Siyaasigan oo ahaa madaxa mucaaradka ayaa si iskii ah ugu dhawaaqay inuu hayo talada dalkaasi in kastoo uu weli hoggaamiyo Nicolas Maduro.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *