Haweeney iibisa bacda la mamnuucay oo 50 kun lagu ganaaxay

Maxkamad ku taallo ismaamulka Nyeri ee gobolka bartamaha dalka ayaa haweeney lagu eedeyay inay ka ganacsato bacda balaastiga ee la mamnuucay ku xukuntay inay bixiso 50,000 oo shilin oo ah ganaax lacageed ama ay xabsiga ku jirto muddo 6 bilood ah.
Mrs.Nancy Wangari ayaa waxaa soo qabtay saraakiisha maamulka qaran ee maareynta degaanka ee NEMA.
Waxaa lagu eedeyay inay iibinaysay bacda ay dowladdu diiday in lagu adeegto.
28-dii bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii uu dalka ka dhaqangalay amar ka soo baxay wasaaradda degaanka kaasi oo mamnuuc ka dhigaya in gudaha wadanka lagu isticmaalo bacaha balaastiga ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *