Iskuduwaha ammaanka ee gobolka xeebta oo amray in la laayo burcadda

Iskuduwaha dowladda dhexe u qaabilsan arrimaha ammaanka ee gobolka xeebta ee dhawaan la magacaabay John Elungata ayaa amar ku bixiyay in tallaabo adag laga qaado kooxaha dhaca iyo dhibaatooyinka kale u geysta shacabka.
Waxaa uu ku baaqay in saraakiisha ammaanka ay guda galaan howlgalo lagu burburinayo burcadda ay falalkoodu saameyeen degaano ka mid ah Mombasa iyo guud ahaan gobolkaasi.
Amarka mas’uulkan ayaa imaanaya iyadoo ay sara u kaceen falal dambiyeedyada ka dhaco gudaha ismaamulka Mombasa.
Hoggaamiyasha maamul goboleedkaasi ayaa dhanka kale waalidiinta ku eedeynaya inay ka gaabiyeen kaalintii ay ku lahayeen dabagalka dhaqdhaqaaqa carruurtooda.
Mr. John Elungata ayaa ballanqaaday in la soo afjarayo falal dambiyeedyada iyo ka ganacsiga badeecooyinka kontarabaanka ah.
Dhanka kale madaxda diimaha iyo waxgaradka gobolka xeebta ayuu ku booriyay inay dhalinyarada ka wacyigeliyaan isticmaalka daroogada maadaama ay u horseedi karto inay ku kacaan falal liddi ku ah amniga iyo xasiloonida guud.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *