Kenya oo aynan saameyn ku yeelan doonin ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub

Xoghayaha dowladda ingiriiska ee horumarka caalamiga ,Penny Mordaunt ayaa Kenya u xaqiijisay in wax saameyn ah aynan ka soo gaari doonin tallaabada Britain ay uga baxeyso midowga Yurub.
Haweeneydan ayaa sheegtay inuu sii jirayo iskaashiga ganacsi ee ka dhexeya labada dhinac.
Hadalkan ayay jeedisay kaddib kulan magaalada London ay ku wada qaateen madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Dr .William Ruto ayaa dhankiisa sheegay in Kenya ay sii wadi doonto xoojinta xariirka kala dhexeya ingiriiska.
Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay in dhammaan safiiradii uu soo magacaabay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ay tagayaan wadamada kale ee caalamka ee ay Kenya ku matalayaan.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa lagu beeniyay warar la isla dhexmarayay oo lagu sheegay inaan dalalkii loo magacaabay aanan laga soo dhaweynin qaar ka mid ah safiirada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *