Kenya oo ku biirtay iskaashiga ka dhan ah ISIS

Dowladda Kenya ayaa ka mid noqotay wadamada iska kaashanaya dagaalka lagula jiro kooxda la magacbaxday khilaafada islaamiga ee ISIS.
Dalalkan ayaa si weyn uga soo horjeedo ganacsiyada la rumeysanyahay in lagu taageero ama uu dhaqaale ka soo galo Daacish.
Wadamada ku mideysan isbeheysiga caalamiga ee ka dhan ah ISIS ayaa wadaaga macluumaadka la xariira sirdoonka iyo siyaabaha lagu xaqiijiyo inaan dhaqaale loogu deeqin kooxdaasi iyo ururada gacansaarka la leh.
79 wadan oo ay ku jiraan Maraykanka iyo ingiriiska ayaa xubno ka ah isbeheysigan.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka u qaabilsan dhanka maamulka ,Ababu Namwamba ayaa sheegay in Kenya ay qaadday tallaabo wax ku ool ah .
Waxaa uu intaasi ku daray in ku biiridda isbeheysigan ay kaalin weyn ka qaadan karto in saraakiisha sirdoonka iyo khuburada amniga ay helaan xirfado ku aaddan si kooxaha argagixisada loogala dagaalami karo dhanka maaliyadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *