Qoysas hor leh oo ka qaxay Myanmar

Saraakiisha ilaaliya xuduudda wadanka Bangladesh iyo mid ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa sheegaya in gobolka galbeed ee Rakhine ee wadanka Myanmar ay ka soo barakaceen ilaa iyo 38 qoys.
Dadkan ayaa ka mid ah qowmiyadaha laga tirada badanyahay waxayna wararku sheegayaan inay ka soo carareen dagaalada u dhexeya militariga Myanmar iyo fallaaga beeleedka ku sugan Rakhine.
Taliyaha ciidamada ilaalada xuduudda Bangladeesh Colonel Zahirul Haque Khan, ayaa warbaahinta u sheegay in barakacayaasha ay muujiyeen cabsi ay ka qabaan in lagu soo weeraro diyaaradaha qumaatiga u kaca ee militariga.
Bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii ugu yaraan 700 oo kun oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Rohingya ay ka barakaceen Myanmar taasi oo dowladda wadankaasi ka talisa u soo jiiday cambaareyn caalami ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *