Turkiga oo sheegay inaynan jirin daahfurnaan ku aaddan dilkii Jamal Khashoggi

Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inaynan boqortooyada Sacuudiga si daahfurnaan ku dheehan u wajahin dilkii wariye Jamal Khashooggi.
Wariyahan oo u dhashay Sacuudiga balse si weyn u dhaliili jiray hoggaanka ugu sarreeya ayaa 2-dii bishii tobnaad ee sannadkii hore lagu dhex dilay qunsuliyadda xukuumadda Riyaadh ee magaalada Istanbul ee Turkiga.
Sacuudiga ayaa iska fogeeyay inuu suxufigaasi qaaraxiyay balse waxaa tan iyo xilligaasi socday eedeymo loo jeedinayo oo ku aaddan inuunan si daacad ah uga falcelin dhacdadaasi.
Fahrettin Altun, agaasimaha dhanka isgaarsiinta ee xafiiska Mr. Erdogan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Sacuudiga laga doonayo inuu soo tarxiilo dadkii dilay Jamal Khashoggi si uu u caddeyo inuu daacad ka yahay khaladkii dhacay iyo inuu garab siinayo cadaaladda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *