Ismaamulka Kismumu oo marti galin doonta shir caalami ah.

Ismaamul goboleedka Kisumu ayaa waxaa lagu qaban doona bisha soo socota shir caalami ah oo looga hadli doona sidi ay dadka u heli lahayeen guriyo ku filan oo ay qiimahoodu awoodi karaan.
Isku duwaha hay’adda aan dowliga ahayn Grassroots Trust Lawrence Apiyo ayaa sheegay shirkaasi looga hadli doono arrimaha hoyga si ay bulshada u helaan xasilooni iyo degenaansho wanaagsan.
Mr Apiyo ayaa ka dhawaajiyay in qof walba uu xaq u leeyahay inuu helo guriyo ku filan.
Waxaa uu sido kale tilmaamay in xukumadda dalka ay qorsheynayso in ay dhisayso gurya qiima jaban ah taasi oo qeyb ka ah afarta ajendo ee ugu waaweyn oo balan qaaday xisbiga talada dalka haya ee Juble.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *