21 qof oo shacab ah oo lagu dilay duqeyn dhanka cirka oo laga fuliyay Afghanistan

Weerar dhanka cirka ah oo laga geystay koonfurta gobolka Helmand ee dalka Afghanistan ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen 21 qof oo shacab ah oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.
Maxamad Hashim Alkozai, oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolkaasi ayaa sheegay in 13 rayid ah looga takhalusay hal weerar midka kalena 8 qof lagu dilay.
Waxaa uu intaasi ku daray in ugu yaraan 5 qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Afhayeenka guddoomiyaha gobolka Helmand Cumar Zwak, ayaa isna sheegay in dagaalyahaano ku sugnaa meel ay dad shacab ah ku sugnayeen ay rasaas ku fureen saraakiisha ammaanka.

 

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *