Madaxweynaha Masar oo noqday guddoomiyaha midowga Afrika

Madaxweynaha wadanka Masar Cabdel Fattax al-Sisi ayaa maanta oo axad ah xilka guddoomiyaha midowga Afrika kala wareegay dhigiisa Rwanda Paul Kagame.
Xafladda xil wareejinta ayaa ka dhacday magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa oo uu ka furmay kalfadhigga 32-aad ee golaha hoggaamiyaasha wadamada xubnaha ka ah AU-da.
Hoggaamiyaha Masar waxaa ku xigeen u noqonaya dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa iyo Felix Tshisekedi oo dhawaan loo doortay hoggaamiyaha jamhuuriyadda dimuqaradiga Congo ee DRC.
Golaha fulinta ayaa waxaa ku jiro madaxweynaha Niger Maxamadou Issoufou oo matalaya dalalka galbeedka Afrika halka galbeedka Afrika uu matali doono Paul Kagame.
Hal ku dhigga kulanka sannadkan ayaa ah qaxootiga , kuwo soo noqday , barakacayaasha iyo sido xal waara loogu heli karo barakaca khsabka ah eek a jiro qaaradda Afrika.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay in Sisi uu horumar gaarsiin doono midowga Afrika.
Guddoomiyaha guddiga AU-da , Moussa Faki Mahamat, ayaa Mr. Kagame ku ammaanay inuu si wanaagsan u hoggaaminayay midowga Afrika intii uu xilka hayayna casharo badan laga bartay.

Waxaa uu intaasi ku daray in Kagame uu diiradda saaray madax bannaanida iyo islaxisaabtanka.
Kulankaasi ayaa waxaa sido kale khudbad ka jeediyay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonnio Guterress, oo sheegay in Afrika ay soo dhaweysay cid waliba oo cawimaad u baahan.
Kulanka Addis Ababa ayaa sido kale looga arrinsanaya sidii la isugu furi lahaa ganacsiga qaaradda oo uuna u noqon lahaa mid xor ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *