Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku baaqay in laga faaiideysto lacagaha horumarinta degaanka

Ku xigeenka madaxweynaha wadanka William Ruto ayaa sheegay in hoggaamiyaasha kala duwan ay mas’uuliyad ka saarantahay inay dowladda kala shaqeyaan sidii ardayda dhameeya dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiba boqol ugu gudbi lahayeen dugsiyada sare.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in si buuxda looga faaiideysto sanduuqa lacagaha ee lagu horumariyo degaanada ee loo yaqaano CDF-ta .
William Ruto, madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay inaan qiil loo raadin karin canug aanan helin tacliin .
Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayuu ugu baaqay inay lacagta CDF-ta ku caawiyaan carruurta ka soo jeedo qoysaska danyarta ah.
Dr. Ruto ayaa intaasi ku daray in tallaabo adag laga qaadayo maamulayaasha lacagaha dugsiyada lagu dhigto ee loo yaqaano Fees-ka weydiiya ardayda wax ka barta dugsiyada hoose dhexe iyo kuwo sare ee ay carruurta guriyahooda uga hooydaan ee dowladda.
Hadalka William Ruto ayaa imaanaya iyadoo weli dugsiyada sare aynan ku biirin qiyaastii 130,000 arday ah oo sannadkii hore u fariistay imtixaanka fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *