Saddex burcad ah oo lagu dilay Naivasha

Ciidamada booliska ee dalka ayaa xalay toogtay saddex qof oo ka mid ahayd burcad dhac ka geysata wadooyinka waweyn.
Waxaa dadkaasi looga takhalusay xaafadda Mithuri ee Naivasha oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.
Taliya ku xigeenka saldhiga booliska ee Naivasha, John Kwasa ayaa sheegay inay toogashada dhacday kaddib markii burcadda ay iska dhaga tireen amar ahaa inay isdhiibaan.
Booliska ayaa intaasi ku daray inay sido kale soo heleen rasaas, 10 ka mid ah taleefoonada gacanta iyo lafta la geliyo oo dhowr ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *