Shirkadda Kenya Airways oo beenisay inay saameyn ku timid duulimaadyadeeda

Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa sheegtay inay howlaheeda si caadi ah u socdaan kaddib warar soo baxay oo ahaa inay hakad galeen.
Arrintan ayaa timid kaddib markii habeenkii ay sabtida soo galeysay ay isku dhaceen laba diyaaradood.
Bayaanka KQ waxaa lagu cadeeyay in diyaaradaha isku dhacay maalmaha soo socdo dib loo eegayo in kastoo howlaha duulimaadka ay si caadi ah u sii soconayaan.
Lama soo tabin cid dhacdadaasi ku waxyeeloowday waxaana la guda galay baaritaano lagu xaqiijinayo sababtii ka dambeysay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *