4 qof oo ku dhimatay diyaarad militari oo ku burburtay Turkiga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay dhinteen afar sarkaal kaddib markii ay halkaasi ku burburtay diyaarad militari.
Guddoomiyaha magaaladasi Cali Yerlikaya ayaa qoraal uu dhacdadan ku xaqiijinayo soo dhigay barta twitarka.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq cirka isku sii shareeraya iyo baabuurta gurmadka oo goobta gaaray.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in saraakiisha dhaawacmay isbitaalka la geeyay oo hadda lala tacaalayo xaaladooda caafimaad.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay burburka diyaaradeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *