Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Amnesty oo walaac ka muujisay haweeney la waayay

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa waaxda dambi barista ee DCI-da ugu baaqday inay dabagal ku sameyso haweeney ka mid ahayd saraakiisha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka oo maalmo ka hor la waayay.
Mrs. Caroline Mwatha ayaa la la’yahay tan iyo 6-dii bishan labaad ee Febraayo.
Haweeneydan ayaa ka howlgaleysay xarunta bulshada loogu adeego ee xaafadda Dandora ee si gaar ah diiradda u saartay la xisaabtanka booliska iyo baaritaanada lagu sameeyo dilalka sharci darrada ah ee saraakiisha lagu eedeyo inay geystaan.
Agaasimaha Amnesty laanteeda Kenya, Irũngũ Houghton, ayaa sheegay in dowladda laga doonayo inay xaqiijiso badqabka dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *