Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galay shirka midowga Afrika

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa kalfadhiga 32-aad ee golaha midowga Afrika ee ka dhacaya magaala madaxda wadanka Itoobiya ee Addis Ababa.
Waxaa uu wacad ku maray in dowladdiisa aynan marnaba ogolaan doonin inay sii socdaan falalka argagixiso.
Madaxweynaha dalka ayaa ku nuuxnuuxsaday in Kenya ay ka go’antahay inay wadamada kale ee qaaradda kala shaqeyso arrimaha amniga si xasilooni buuxda loogu soo dabaalo dalalka ay saameyeen falalka amni darro.
Madaxda halkaasi isugu tagay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay mas’uuliyadiisa sheegatay xarakada Al-shabaab ee 15-kii bishii hore laga fuliyay magaaladatani Nairobi kaasi oo ay ku dhinteen 21 qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *