Maxkamadda ugu sarreysa dalka oo beenisay inay sii dib dhigeyso kiiska guddoomiyanimada Wajeer

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa ka jawaabtay warbixin dhawaan lagu qoray mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa gudaha wadanka taasi oo lagu sheegay inay garsoorayaasha dib u sii dhigayaan inay go’aan kama dambeys ah ka soo saaraan dacwadda ku aaddan xilka guddoomiyaha ismaamulka Wajeer.
Waxay maxkamaddu sheegtay in xaaladu aynan ahayn sida loo dhigay oo ay kiiska in muddo ah soo jiitamayay go’aan kama dambeys ah ka soo saari doonto ka hor 21-ka bishan labaad ee aan ku guda jirno.
Maxkamadda ayaa sheegtay in dhageysiga dacwadda ka dhanka ah guushii barasaabka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud uu soo billowday 21-kii bishii koow iyo tobnaad ee sannadkii hore sidaasi awgeed aynan weli dhamaan mudada ku qeexan dastuurka wadanka u degsan ee kiiska lagu soo gabagabeyn karo taasi oo ah saddex bilood.
Waxaa guushii Ambasadoor Maxamad Cabdi Maxamuud ka soo horjeestay oo maxkamadda dacwad u gudbiyay barasaabkii hore Axmad Cabdullahi iyo Axmad Muxumad oo labaduba jagadaasi loolan u galay.
Xaakiinada kala ah David Maraga, ,Philomena Mwilu, Jackton Ojwang’, Maxamad Njoki Ndung’u, Smokin Wanjala, iyo Isaac Lenaola ayaa lagu eedeyay inay ka cagajiidayaan inay soo afjaraan kiiska la hor geeyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *