Okiya Omtatah oo ka soo horjeestay saraakiil uu madaxweynaha soo magacaabay

Mid ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqul aadanaha oo lagu magacaabo Okiya Omtatah ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad uu uga soo horjeedo magacaabid uu dhawaan sameeyay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Magacaabidda cusub ayaa waxaa ka dhexmuuqdo xildhibaano iyo guddoomiyaal hore iyo sido kale musharaxiin aanan ku guuleysan loolankii siyaasadeed ee sannadkii 2017-kii.
Mas’uuliyiintan ayaa laga dhigay agaasimayaasha iyo xubnaha shirkadaha kala duwan ee dowladda.
Waxay u muuqataa inay si habsami leh u socoto dhaqangelinta heshiiskii 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhexmaray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa urur weynaha mucaaradka Nasa , Raila Odinga .
Barasaabkii hore ee ismaamulka Kajiado ,David Nkedianye ayuu Mr. Kenyatta u soo magacaabay guddoomiyaha maamulka qaabilsan keydinta biyaha halka dhigiisi Laikipia , Joshua Irungu laga dhigay guddoomiyaha guddiga maareeya adeegyada biyaha.
Wavinya Ndeti oo aanan ku guuleysan guddoomiyanimada maamul goboleedka Machakos ayaa loo magacaabay guddoomiyaha machadka biyaha ee KEWI halka mudanihii hore ee degaanka Kibwezi, Kalembe Ndile uu xubin ka noqday guddiga Tana Athi .
Olga Karani oo ay aad isugu dhowyihiin Raila Odinga kana tirsan xisbiga ODM ayaa loo magacaabay guddoomiyaha golaha qaran ee xarunta dhaqanka.
Hasa ahaate Mr. Okiya Omtatah ayaa ku doodaya inaan howshaasi loo wajahin qaab cadaalad ah sidaasi awgeedna ay liddi ku tahay dastuurka wadanka u degsan.
Mr.Omtatah ayaa maxkamadda ka codsaday inay waxba kama jiraan ka soo qaado magacaabidda uu sameeyay madaxweynaha dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *